11-jir markaan ahaay,
Waxaan xasuustaa inaan subax kusoo kacay dhawaaq farxadeed oo gurigeena ka jiray.
aabahay waxuu dhagaysanaayay aqbaacta BBC-da
raadiyihiisa yaraa ee dambasta u ekaay.
Wejigiisa waxa ka muuqday dhoolacadeen aad u weyn oo aan caadi aheen waqtigaas,
maxaa yelay aqbaaradka marwalbo wey niyad jebin jireen.
" Taalibaaniintii weey baxeen!" ayuu aabehey mar qura ku dhawaaqay.
ma'aanan ogeyn wuxuu ula jeedo,
laakin waxan arki karay inuu aabahey aad iyo aad u faraxsanaa.
"Hada waxaad aadi kartaa iskuul dhab ah ", Ayuu yiri.
Subax aanan weligeey hilmaami doonin.
Iskuul dhab ah.
Sida aad u jeedid, waxaan jiray 6 sano markay Taliban qabsadeen Afgaanistan
misna ay soo rogeen ineey mamnuc tahay gabar ineey iskuul aado.
Shanti sano ee soo socotay, waxaan ulabisan jiray sida wiil
si aan u ilaaliyo walaashey, oo markaas loo ogoleen
ineey banaan si kali ah u aado oo ay si qarsoodi ah u dhigato Iskuul.
waxay ahayd wadada kaliya aan labadeenaba aqoon yahano ku noqon karno.
waxaan maalin walbo mari jirnay wada kala duwan
si ay qofna nooga shakinin meesha aan usocono
Waxaan buugaagteena ku dabooli jirnay baagaga adeega
si ay u muuqato inaan soo adeeganeenay.
Iskuulku wuxuu ku dhexyaalay guri,
In ka badan 100 anaga ah ayaa waxa nalagu xareen jiray qol jiif oo yar.
waqtiga jiilalka wuu iska yara roona laakin xagaaga aad buu ukululaay.
Nolosheena inaan halis galineeno waan ogeen--
macalimiinta, ardayda iyo waalidiinteenaba.
waqti walbo waxaala baajin jiray iskuulka
ilaa iyo hal isbuuc maxa yelay Taalibaaniinta ayaa naga shakin jiray.
Mar walbo waxaan la fajacsaneen waxa ee naga ogyihiin.
Miyaan nala beegsan jiray?
Miyeey ogyihiin halka aan ku noolnahay?
Aaad ayaan u baqan jirnay,
laakin weli, Iskuulka ayuu ahaa meesha kaliya aan rabno.
aad baan unasiib badanahaya inaan kusoo dhex koro qoys
halka waxbarasha iyo gabdhahaba aad looga qiimeeyo.
Awoowgey waqtigisa wuxuu ahaa nin aad u cajiib leh .
Aqoonyahan sare oo ka imaaday gobol aad u dheer ee ku yaalo Afgaanistan
wuxuu ku adkeesaday in gabadhiisa, oo ah hooyadey,
ay aado iskuul, misna ay arintaas darteed aabihiisa ku deeyriyay.
Laakin hooyadeyda aqoonyahanta aheyd ayaa macalimad noqotay.
Waa tanaa.
Laba sano kahor ayeey shaqa gabtay, si ay gurigeena ugu badasho
Iskuul wax lagu baro gabdhaha iyo dumarka dariskeena ahaay.
Abaahey --- waa kaa--
Wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee qoyskiisa oo wax barto.
Marnaba su'aal kama taagneen in caruurtiisa
ay wax baran doonaan, taas oo ay kujiraan gabdhiisa,
Inkastoo Taalibaan iyo halistooda ay jireen.
Asiga ahaan, majirin halis ka daran aqoon la'aanta caruutiisa.
Waxaan xasuustaa, xilayadii Taalibaaniyiinta
in mararka qaar aan aad nolsheena uga niyad-jebi jiray
misna aan aad u cabsan jiray oo aana mustaqbal ku hamin jirin.
Waxaan rabay inaan iska dhaafo,
laakin aabahey,
wuxuu igu oran jiray,
Maqal, gabadheey-diyeey,
wax walbo oo aad noloshaada leedahay weey kaa dhumi karaan.
Lacagtaada waa lagaa xadi karaa. Waqtiyada dagaalka gurigaaga xoog waalagaga baxsan karaa.
Laakin sheyga kaliya mar walbo kuu harayo
waa waxa halkani ku jiro,
xitaa hadaan dhiigeena kuu iibino si aan qarashka wax barashadada kaaga bixino,
waan ku sameen doona.
Marka miyaadan rabin inaad wadato waxbarasha-daada?"
Maanta waxaan ahay 22-jir.
waxaan kusoo koray wadan aad u bur-buriyay
dagaalo socday qarniyo.
In kayar 6% dumar da'deyda ah ayaa ilaa dugsi-ga sare dhaafay,
hadey familkeeyga dhanka waxbarasha-dayda ay marnaba ku dadaali laheen,
Mid kamid ah ayaan maanta ahaan lahaa.
Halkan ayan badalkii istagsanahay anoo kasoo qalin jibiyay Jaamacada Middlebury.
(Sacbis)
Goortii aan ku laabtay Afgaanistan, awoowahey,
Midkii gurigiisa looga soo eryay geesinimo uu gabdhihiisa aqoonyahaniin ugu dhigo darteed,
ayaa wuxu ka mid ahaa dadki ugu horeen ii hambalyeeyay.
Kuma faano kaliyo heerka jaamacadayda,
laakin inaan ahaay dumar tii ugu horeysay,
misna aan ahay dumar tii ugu horeso
ee gaari ku dhex wado wadooyinka Kabul.
(Sacbis)
Qoyskeeyga weey i aaminsan yihiin.
Heer sare ayaan ku riyoda, lakin famil-keyga heer ka sii sareeyo ayeey iigu sii riyodan
Saas darteed ayaan waxan u ahay Safiir caalamiyeed ee 10x10,
Olole caalami ah oo dumarka waxbaro.
Saas darteed ayaa waxaan u sameenay SOLA,
Iskuul xanaaneed kii ugu horeeyay
oo gabdhaha ah ee ku yaalo Afgaanistan,
wadan ay weli tahay in gabdhaha ay iskuul aadaan.
Sheeyga farxada leh ayaa waxay tahay inaan arko arday dhigto iskuulkeyga
kuwaaso leh hami ay ku qabsadaan Jaanis.
Waxaan kaloo arkaa waalidiintooda
kuwaaso ah kuwa sida waalidiinteyda u taageerayo,
inkastoo ay jirto wejiyada cabsida badan ee kuwa kasoo horjeeda.
Sida Ahmed. Ma ahin magaciisa rasmiga,
mana idin tusi karo wejigiisa,
Laakin Ahmed waa aabaha ardayad dhigata iskul kayga.
Bil wax ka yar kahor ayaa asiga iyo gabadhiisa
waxay u jeedeen xaafadooda ayagoo ka imaaday SOLA,
waxayna ku sigteen ineey ku dhintaan
bam loo dhigay geeska wadada daqiiqada gudahooda.
Markuu guriga soo gaaray, ayaa waxaa usoo dhacay taleefanka,
cod u digayo
haduu dib gabadhiisa ugu diro iskuulka,
ineey isku dayayaan qaraxa mar kale
"Hada idila hadaad rabtaan," ayuu dhahay,
"Laakin marnaba mustaqbalka gabadheyda kuma dheelayo
waayo waxaad wadataan feker qaliban ."
Arinta aan Afgaanistan ka ogaaday,
misna ah mid ay wadamada Galbeed-ka ay ka tageen,
aya waxay tahay mid walbo anaga naga mid oo gulesytay inuu ka dambeyo
aabe og qiimaha gabadhiisa
misna arka inay guusheeda tahay guushiisa.
macnaha mahin inay hooyo-yinkeena aheen furaha guusheena.
Xaqiiqdi, waxay yihiin bilawga wada xaajood qancin kara
mustaqbal ifo oo ay gabdhahooda helaan,
laakin xaalada shacab sida kuwa Afgaanistan,
waxa qasban inaan helno taagerida raga.
Sharciga Taliban, gabdhaha aaday Iskuulka
kuwaaso gaarayo boqoleeyo--
xasuuso, waxay aheyd sharci la'aan.
Laakin maanta, gabdho ka badan 3 million ayaa dhigta iskuulada Afgaanistan.
(Sacbis)
Afghanistan waxay umuuqata mid ka duwan halkaan America.
waxaan u arkaa in Amerikaanku arko burburka is badal.
Waxaan ka baqanaayo in is badalkani usii socon waayo
hore markii ciidamada U.S-ka laga soo bixiyo.
Laakin markii aan kusoo laabto Afgaanistan,
oo aan arday ku arko iskuulkayga
iyo waalidiintooda ku taaageerayo,
misna ku dhiira gelinayo, waxaan arkaa mustaqbal aad u ifo
iyo isbadal weligiisa socdo.
Ani ahaan, Afgaanistaan waa wadan rajo iyo suura-gal badan leh,
misna maalin walbo
gabdhaha SOLA ayaa midaas isoo xasuusiyo.
Heer sare ayee ku riyoodaan sidayda oo kale.
Mahadsanidiin.
(Sacbis)