< Return to Video

Adding Decimals

  • 0:01 - 0:05
    Ku soo dhawoow soo bandhigista iskudarka Jajab-Tobanlaha.
  • 0:05 - 0:07
    Bal aan laylisyo sameeyno.
  • 0:07 - 0:22
    Bal aan dhahno waxaan haysanaa dhibic eber eber sideed-- laguna daray shan--
  • 0:22 - 0:33
    waxaan isugu dhinac qoraayaa si kas ah-- hal dhibic todobo sagaal sagaal.
  • 0:33 - 0:35
    Ugu horeyntii waxaa laga yaabaa in aad is leedahay,
  • 0:35 - 0:38
    jajab-tobanle, waa i qasaan, oo waan iska deynayaa.
  • 0:38 - 0:40
    Laakiin waxaan ku tusidoonaa in aysan ahayn mid adag
  • 0:40 - 0:44
    oo ay la'mid tahay xisaabinta iskudarista caadiga ah.
  • 0:44 - 0:46
    Waxaad jira hal shay oo kaliya in aad ka fikirto
  • 0:46 - 0:48
    marka aad xisaabeysid jajab-tobanlaha.
  • 0:48 - 0:50
    Isku toosinta (is kor saarista) dhibcaha.
  • 0:50 - 0:52
    Bal aan ku bilaawno lambarka koowaad
  • 0:52 - 0:55
    aan mar labaad qorno si ay noogu suurtogasho xisaabistiisa.
  • 0:55 - 1:02
    dhibic eber eber sideed shan.
  • 1:02 - 1:04
    Sidookale lambarka labaad
  • 1:04 - 1:09
    bal aan dhigno dhibicda lambarkii kowaad dhibicdiisa hoosteeda,
  • 1:09 - 1:10
    ka dibna aan tirada qorno.
  • 1:10 - 1:18
    Taasoo ah hal dhibic todobo sagaal sagaal.
  • 1:18 - 1:22
    Waxaan sameynay howl fudud, taasoo ah in aan lambaradii marlabaad qornay anagoo dhibcahooda isku toosinay.
  • 1:22 - 1:23
    Waxaana noo furnaa (fasaxnaa) in aan kan kore iyo kan hoose isku bedelno.
  • 1:23 - 1:28
    Waxaan marka hore qorikarnay hal dhibic todobo sagaal sagaal ka dibna dhibic eber eber sideed shan.
  • 1:28 - 1:29
    Muxuu ahaa muhiimka--
  • 1:29 - 1:31
    Mar hadii aah meeeshaan soo gaarsiisay aadna taqaan sida lo sameeyo xisaabta iskudarka ah,
  • 1:31 - 1:34
    waxaan filayaa in aad keenikartid sida jajab-tobanlaha la' isugudaro--
  • 1:34 - 1:36
    waxay ahayd muhiimadda isku toosinta dhibcaha.
  • 1:36 - 1:38
    Mar ahdii aad isku toosisid dhibcaha
  • 1:38 - 1:41
    waxaan diyaar u nahay in aan bilaawno iskudarista.
  • 1:41 - 1:42
    War i sug ninyahow,
  • 1:42 - 1:45
    waxbaa qasan meeshaan ayaa laga yaabaa in aad is dhahdid.
  • 1:45 - 1:47
    Sideen shanta ugu daraa "waxba"?
  • 1:47 - 1:49
    Haa, waxaan loo haayaa xal aad u fudud.
  • 1:49 - 1:51
    bal aan dhigno eber meeshaas.
  • 1:51 - 1:52
    Sideen ku sameeyaaa?
  • 1:52 - 1:56
    Sideen tiradii aan haysay ugu siyaadiyaa eber aan iska aliftay?
  • 1:56 - 1:59
    Ma'xasuusto in aan meel kale ku soo sheegay,
  • 1:59 - 2:02
    laakiin marka aan eber-dabaraac ku siyaasid jajab-tobanleyda,
  • 2:02 - 2:04
    waxba kama bedeleyso qiimaha uu lahaa lambarkaas.
  • 2:04 - 2:06
    Waxaan filaayaa in ay taas ku qancisay.
  • 2:06 - 2:11
    hadii aan iraahdo hal dhibic hal eber, waxay la mid tahay hal dhibic hal.
  • 2:11 - 2:14
    Taasoo la sii mid ah hal dhibic hal eber eber.
  • 2:14 - 2:16
    dhammaantood waa hal iyo hal-tobankiisa.
  • 2:16 - 2:19
    Eberadaas waa iska dheeraad jajabka dheereeya,
  • 2:19 - 2:21
    waana kuwo aana waxba ka bedelaynin qiimaha lambarka.
  • 2:21 - 2:24
    Waxaana laga yaabaa in markale oo aan idin baridoono kumbuyuutarka iyo xisaabitaankiisa,
  • 2:24 - 2:25
    ayaa laga yaabaa in ay qiimo yeeshaan.
  • 2:25 - 2:26
    Laakiin hadda wax qiimo ah ma'laha.
  • 2:26 - 2:27
    tirada xiimaheeda ayaa nagu filan.
  • 2:27 - 2:29
    Aniga waxaan ku daray eberkan adigana waad samaynkartaa marwalba.
  • 2:29 - 2:31
    Waad ku dari kartaa eberada gadaal raaca ah.
  • 2:31 - 2:33
    ayadoo aysan bedelmin qiimaha uu lambarka lahaa.
  • 2:33 - 2:35
    Haddana waxaan diyaar u nahay in aan iskudarka sameyno.
  • 2:35 - 2:38
    shan lagu daray eber waa shan.
  • 2:38 - 2:43
    sideed lagu daray sagaal waa toban iyo todobo.
  • 2:43 - 2:47
    hal lagu daray eber lagu daray sagaal waa toban.
  • 2:47 - 2:48
    halka sii qaado
  • 2:48 - 2:53
    hal lagu daray eber lagu daray todobo waa sideed.
  • 2:53 - 2:55
    ka dibna halka soo dhigo
  • 2:55 - 2:57
    maadaama ay san jirin wax lagu daro.
  • 2:57 - 3:00
    Waxaan ku qoran kornay hortaan eber horeed hadii aan rabi lahay.
  • 3:00 - 3:01
    Xaaskeyga waa dhakhtarad
  • 3:01 - 3:03
    waxayna dhahdaa eberka horey lagu buuxiyo waa muhiim
  • 3:03 - 3:05
    si aanan qofna lo siinin daawo qaldan.
  • 3:05 - 3:08
    Si kastaba ha'ahaatee, hadda waan dhamysanay.
  • 3:08 - 3:09
    Waxaan samaynay iskudarkii,
  • 3:09 - 3:10
    waxa kaliya ee aan u baahanay waa meesha la'dhigilahaa dhibicda.
  • 3:10 - 3:14
    Wax kale uma baahna oo aana ahayn in aan hoos u soo ridno.
  • 3:14 - 3:15
    Waana awoodnaa in aan sameyno
  • 3:15 - 3:17
    sababtuna waxay tahay in aan dhibcaha isku toosinay.
  • 3:17 - 3:21
    Jawaabta layliska waxay noqonaayaa hal dhibic sideed todobo shan.
  • 3:21 - 3:25
    Waxay u muuqataa wax adag, laakiin wax aan u baahanahay in aan samayno,
  • 3:25 - 3:30
    waa isku toosinta dhibcaha iyo ku darista eberada meelaha ku haboon.
  • 3:30 - 3:32
    Mar hadi aad taqaanid sida wax la'siugudaro waa taqaanaa midaana.
  • 3:32 - 3:37
    Bal aan samayno laylis kale.
  • 3:37 - 3:49
    Konton iyo sideed dhibic todobo shan lagu daray dhibic eber labo sideed.
  • 3:49 - 3:53
    Hadii aad aragtid layliskaan oo kale, oo sidaan loo qoray,
  • 3:53 - 3:55
    waxaa laga yaabaa in aad horey ugu boodo xisaabitaankeeda.
  • 3:55 - 3:59
    isku dar shan iyo sideed, todobo iyo labo, sideed iyo eber.
  • 3:59 - 4:01
    Ka dibna soo deji shan iyo waxa saas la mid ah.
  • 4:01 - 4:04
    Waxayna noqonaysaa mid qaldan.
  • 4:04 - 4:05
    Waxaana filaayaa in aad dareentay qaldanaantaada.
  • 4:05 - 4:07
    Sababtuna waxay tahay waxaa hilmaamtay tallaabadii ugu horeysay.
  • 4:07 - 4:09
    Talaabada ugu horeysayna waa isku toosinta dhibcaha.
  • 4:09 - 4:12
    Markii aan isku daraysid jajab-tobonlaha,
  • 4:12 - 4:15
    wax ugu horeeya aad samynaysid waa isku toosinta dhibcaha.
  • 4:15 - 4:17
    Bal aan isku toosino dhibcaha.
  • 4:17 - 4:20
    Aan marlabaad qorno lambarka kore.
  • 4:20 - 4:23
    Konton iyo sideed dhibic todobo shan.
  • 4:23 - 4:25
    Aan marlabaad qorno lambarka hoose
  • 4:25 - 4:27
    si ay dhibcaha isugu aadaan.
  • 4:27 - 4:29
    Waxaan isku toosinaynaa dhibcaha.
  • 4:29 - 4:34
    Waana dhibic eber labo sideed.
  • 4:34 - 4:38
    Hadda ayaan iskudari karnaa.
  • 4:38 - 4:39
    Sidii ay horey u dhacdeyba waxaa laga yaabaa in aad dhahdid,
  • 4:39 - 4:41
    sideen waxba ugu daraa sideed?
  • 4:41 - 4:43
    Waxaan eber-dambeeye ku siyaadsan karnaa lambarka kore
  • 4:43 - 4:46
    sababtuna waxay tahay in uusa waxba ka bedelaynin qiimaha lambarka
  • 4:46 - 4:47
    waxayna na siinaysaain aan ku dhiirano xisaabista.
  • 4:47 - 4:50
    Waxaan haysanaa wax aan ku darno sideeda.
  • 4:50 - 4:51
    Bal aan samayno.
  • 4:51 - 4:54
    eber lagu daray sideed waa sideed.
  • 4:54 - 4:57
    shan lagu daray labo waa todobo.
  • 4:57 - 5:01
    todobo lagu daray eber waa todobo.
  • 5:01 - 5:05
    sideed lagu daray waxba waa sideed.
  • 5:05 - 5:06
    Meeshaan awaa ku darsankarnay eber,
  • 5:06 - 5:07
    waxayna ahaan lahay wax.
  • 5:07 - 5:08
    Haysashada eberka-hore,
  • 5:08 - 5:11
    ma'aana siiyeen daawo qalad ah qofna.
  • 5:11 - 5:14
    shan lagu daray waxba waa shan.
  • 5:14 - 5:18
    waxaan soo dejinaa waa dhibicda, howshana waa noo dhammaatay.
  • 5:18 - 5:19
    Waa xisaabistaas tooska ah.
  • 5:19 - 5:21
    Dhibcaha isku toosi,
  • 5:21 - 5:24
    ku dar eberada aad ku qanacsantahay,
  • 5:24 - 5:29
    maadaama eberka ku daristiiiisa (saaidintiisa) ay ka degantahay marka loo fiiriyo meesha oo eber ah.
  • 5:29 - 5:30
    Ka dibna waxaad sameyneysaa isku darka
  • 5:30 - 5:31
    waxaadna soo dejinaysaa dhibicda.
  • 5:31 - 5:34
    Jawaabtuna waa konton iyo sideed dhibic todobo todobo sideed.
  • 5:34 - 5:37
    Taasna waa mid fiican in la hubiyo.
  • 5:37 - 5:39
    Waxayna tahay is weydiinta, jawaabta macquul ma'tahay?
  • 5:39 - 5:45
    Waxaan haystaa konton iyo sideed dhibic todobo shan, qiyaas konton iyo sagaal.
  • 5:45 - 5:46
    Konton iyo sideed iyo afar qeyboodoo sadax qayb (3/4).
  • 5:46 - 5:48
    Waxaana ku daraayaa tiro yar.
  • 5:48 - 5:51
    Waxaa u daraayaa dhibic labo sideed.
  • 5:51 - 5:55
    Waxaana filaayaa in aysan jawaabteyda isbedel weyn ku dhicin.
  • 5:55 - 5:57
    Waxaana is leeyahay waa sida aad arrinta u arki kartid.
  • 5:57 - 5:59
    Waa in ay ahaataa konton iyo sideed iyo xoogaa,
  • 5:59 - 6:02
    sabatoo ah waxaan daray tiro aad u yar.
  • 6:02 - 6:03
    Hadii aad u samaysay sidaan,
  • 6:03 - 6:06
    oo aad si toos ah u bilaawday isku darka,
  • 6:06 - 6:09
    waxaad helilahayd konton iyo sagaal dhibic iyo wax kale.
  • 6:09 - 6:12
    Sabab, waxaa kaliya oo aan kudaray dhibic eber labo sideed ee kuma darin dhibic labo sideed.
  • 6:12 - 6:15
    Shaki ayaana kaa gali lahaa jawaabtaada.
  • 6:15 - 6:16
    Waxaan rajanayaa in aanan ku qasin,
  • 6:16 - 6:20
    waana arrin aad u fuiian in mar walba la'is weydiiyo jawaabta aad heshay in ay caqligal tahay
  • 6:20 - 6:23
    si aad u dareento isku darkaaga
  • 6:23 - 6:26
    oo aadan sida makiinada wax u xisaabin.
  • 6:26 - 6:30
    In kastoo ay mararka qaarkood xisaabitaanka iska fiicanyahay.
  • 6:30 - 6:34
    Bal aan samyno laylis kale si aan wixii aan baranay sal ugu yeelno.
  • 6:34 - 6:39
    Waxaan fidiyowga iiga haray weli wakhti.
  • 6:39 - 6:48
    boqol iyo labo dhibic hal lagu daray labo dhibic shan lix.
  • 6:48 - 6:49
    Waxaad tixgelin siisaa weyninka lambarada.
  • 6:49 - 6:52
    boqol iyo labo dhici lagu daray labo dhibic shan lix,
  • 6:52 - 6:55
    taas waa in ay noqotaa boqol iyo afar iyo xoogaa.
  • 6:55 - 6:56
    Kor kama xisaabaayi.
  • 6:56 - 6:58
    Waxaan ku sameynaynaa waraaqda.
  • 6:58 - 6:59
    Ugu horeyntii waa isku toosinta.
  • 6:59 - 7:09
    Boqol iyo labo dhibic lagu daray-- isku toosi dhibcaha-- labo dhibic shan lix.
  • 7:09 - 7:11
    Meeshaan ayaan eber ku darsan karnaa, ka dibna waxaan diyaar u nahay isku darkooda.
  • 7:11 - 7:14
    Eber lagu daray lix waa lix.
  • 7:14 - 7:16
    Hal lagu daray shan waa lix.
  • 7:16 - 7:18
    Labo lagu daray labo waa afar.
  • 7:18 - 7:20
    Eber lagu daray waxba waa eber.
  • 7:20 - 7:23
    Hal lagu daray waxba waa hal.
  • 7:23 - 7:24
    Soo deji dhibicda.
  • 7:24 - 7:26
    Boqol iyo afar dhibic lixidan iyo lix.
  • 7:26 - 7:27
    Saasmay u fududayd.
  • 7:27 - 7:28
    Waxaan filaayaa in ay fududayd.
  • 7:28 - 7:31
    Ma' rabo in aan iraahdo waa fududahay hadii ay kugu adagtahay.
  • 7:31 - 7:34
    Waxaa jirta in marka ugu horeysa ay tahay mid adag.
  • 7:34 - 7:34
    Si kastaba ha ahaatee,
  • 7:34 - 7:38
    waxaan filaayaa in aad hadda diyaar u tahay in aad isku deydo qeybta isku darka jajab-tobanlaha.
  • 7:38 - 7:40
    Waxaan rajeynayaa in aad ku raaxaysatay!
Title:
Adding Decimals
Description:

Adding decimals

more » « less
Video Language:
English
Duration:
07:40
Mohamed I. Mursal edited Somali subtitles for Adding Decimals
Mohamed I. Mursal edited Somali subtitles for Adding Decimals
Mohamed I. Mursal edited Somali subtitles for Adding Decimals

Somali subtitles

Revisions