Car gabdhaha Afghanistiyiinta wax bar
-
0:01 - 0:0211-jir markaan ahaay,
-
0:02 - 0:07Waxaan xasuustaa inaan subax kusoo kacay dhawaaq farxadeed oo gurigeena ka jiray.
-
0:07 - 0:09aabahay waxuu dhagaysanaayay aqbaacta BBC-da
-
0:09 - 0:14raadiyihiisa yaraa ee dambasta u ekaay.
-
0:14 - 0:16Wejigiisa waxa ka muuqday dhoolacadeen aad u weyn oo aan caadi aheen waqtigaas,
-
0:16 - 0:20maxaa yelay aqbaaradka marwalbo wey niyad jebin jireen.
-
0:20 - 0:25" Taalibaaniintii weey baxeen!" ayuu aabehey mar qura ku dhawaaqay.
-
0:25 - 0:28ma'aanan ogeyn wuxuu ula jeedo,
-
0:28 - 0:33laakin waxan arki karay inuu aabahey aad iyo aad u faraxsanaa.
-
0:33 - 0:42"Hada waxaad aadi kartaa iskuul dhab ah ", Ayuu yiri.
-
0:42 - 0:47Subax aanan weligeey hilmaami doonin.
-
0:47 - 0:52Iskuul dhab ah.
-
0:52 - 0:55Sida aad u jeedid, waxaan jiray 6 sano markay Taliban qabsadeen Afgaanistan
-
0:55 - 0:59misna ay soo rogeen ineey mamnuc tahay gabar ineey iskuul aado.
-
0:59 - 1:02Shanti sano ee soo socotay, waxaan ulabisan jiray sida wiil
-
1:02 - 1:04si aan u ilaaliyo walaashey, oo markaas loo ogoleen
-
1:04 - 1:10ineey banaan si kali ah u aado oo ay si qarsoodi ah u dhigato Iskuul.
-
1:10 - 1:14waxay ahayd wadada kaliya aan labadeenaba aqoon yahano ku noqon karno.
-
1:14 - 1:17waxaan maalin walbo mari jirnay wada kala duwan
-
1:17 - 1:22si ay qofna nooga shakinin meesha aan usocono
-
1:22 - 1:24Waxaan buugaagteena ku dabooli jirnay baagaga adeega
-
1:24 - 1:30si ay u muuqato inaan soo adeeganeenay.
-
1:30 - 1:32Iskuulku wuxuu ku dhexyaalay guri,
-
1:32 - 1:38In ka badan 100 anaga ah ayaa waxa nalagu xareen jiray qol jiif oo yar.
-
1:38 - 1:44waqtiga jiilalka wuu iska yara roona laakin xagaaga aad buu ukululaay.
-
1:44 - 1:46Nolosheena inaan halis galineeno waan ogeen--
-
1:46 - 1:51macalimiinta, ardayda iyo waalidiinteenaba.
-
1:51 - 1:53waqti walbo waxaala baajin jiray iskuulka
-
1:53 - 1:57ilaa iyo hal isbuuc maxa yelay Taalibaaniinta ayaa naga shakin jiray.
-
1:57 - 2:00Mar walbo waxaan la fajacsaneen waxa ee naga ogyihiin.
-
2:00 - 2:03Miyaan nala beegsan jiray?
-
2:03 - 2:06Miyeey ogyihiin halka aan ku noolnahay?
-
2:06 - 2:09Aaad ayaan u baqan jirnay,
-
2:09 - 2:16laakin weli, Iskuulka ayuu ahaa meesha kaliya aan rabno.
-
2:16 - 2:20aad baan unasiib badanahaya inaan kusoo dhex koro qoys
-
2:20 - 2:26halka waxbarasha iyo gabdhahaba aad looga qiimeeyo.
-
2:26 - 2:31Awoowgey waqtigisa wuxuu ahaa nin aad u cajiib leh .
-
2:31 - 2:34Aqoonyahan sare oo ka imaaday gobol aad u dheer ee ku yaalo Afgaanistan
-
2:34 - 2:38wuxuu ku adkeesaday in gabadhiisa, oo ah hooyadey,
-
2:38 - 2:44ay aado iskuul, misna ay arintaas darteed aabihiisa ku deeyriyay.
-
2:44 - 2:48Laakin hooyadeyda aqoonyahanta aheyd ayaa macalimad noqotay.
-
2:48 - 2:51Waa tanaa.
-
2:51 - 2:54Laba sano kahor ayeey shaqa gabtay, si ay gurigeena ugu badasho
-
2:54 - 2:59Iskuul wax lagu baro gabdhaha iyo dumarka dariskeena ahaay.
-
2:59 - 3:03Abaahey --- waa kaa--
-
3:03 - 3:10Wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee qoyskiisa oo wax barto.
-
3:10 - 3:12Marnaba su'aal kama taagneen in caruurtiisa
-
3:12 - 3:17ay wax baran doonaan, taas oo ay kujiraan gabdhiisa,
-
3:17 - 3:22Inkastoo Taalibaan iyo halistooda ay jireen.
-
3:22 - 3:30Asiga ahaan, majirin halis ka daran aqoon la'aanta caruutiisa.
-
3:30 - 3:33Waxaan xasuustaa, xilayadii Taalibaaniyiinta
-
3:33 - 3:38in mararka qaar aan aad nolsheena uga niyad-jebi jiray
-
3:38 - 3:42misna aan aad u cabsan jiray oo aana mustaqbal ku hamin jirin.
-
3:42 - 3:45Waxaan rabay inaan iska dhaafo,
-
3:45 - 3:49laakin aabahey,
-
3:49 - 3:51wuxuu igu oran jiray,
-
3:51 - 3:53Maqal, gabadheey-diyeey,
-
3:53 - 3:56wax walbo oo aad noloshaada leedahay weey kaa dhumi karaan.
-
3:56 - 4:01Lacagtaada waa lagaa xadi karaa. Waqtiyada dagaalka gurigaaga xoog waalagaga baxsan karaa.
-
4:01 - 4:03Laakin sheyga kaliya mar walbo kuu harayo
-
4:03 - 4:07waa waxa halkani ku jiro,
-
4:07 - 4:12xitaa hadaan dhiigeena kuu iibino si aan qarashka wax barashadada kaaga bixino,
-
4:12 - 4:15waan ku sameen doona.
-
4:15 - 4:20Marka miyaadan rabin inaad wadato waxbarasha-daada?"
-
4:20 - 4:23Maanta waxaan ahay 22-jir.
-
4:23 - 4:26waxaan kusoo koray wadan aad u bur-buriyay
-
4:26 - 4:29dagaalo socday qarniyo.
-
4:29 - 4:34In kayar 6% dumar da'deyda ah ayaa ilaa dugsi-ga sare dhaafay,
-
4:34 - 4:37hadey familkeeyga dhanka waxbarasha-dayda ay marnaba ku dadaali laheen,
-
4:37 - 4:39Mid kamid ah ayaan maanta ahaan lahaa.
-
4:39 - 4:45Halkan ayan badalkii istagsanahay anoo kasoo qalin jibiyay Jaamacada Middlebury.
-
4:45 - 4:55(Sacbis)
-
4:55 - 4:58Goortii aan ku laabtay Afgaanistan, awoowahey,
-
4:58 - 5:02Midkii gurigiisa looga soo eryay geesinimo uu gabdhihiisa aqoonyahaniin ugu dhigo darteed,
-
5:02 - 5:06ayaa wuxu ka mid ahaa dadki ugu horeen ii hambalyeeyay.
-
5:06 - 5:08Kuma faano kaliyo heerka jaamacadayda,
-
5:08 - 5:10laakin inaan ahaay dumar tii ugu horeysay,
-
5:10 - 5:12misna aan ahay dumar tii ugu horeso
-
5:12 - 5:16ee gaari ku dhex wado wadooyinka Kabul.
-
5:16 - 5:21(Sacbis)
-
5:21 - 5:24Qoyskeeyga weey i aaminsan yihiin.
-
5:24 - 5:29Heer sare ayaan ku riyoda, lakin famil-keyga heer ka sii sareeyo ayeey iigu sii riyodan
-
5:29 - 5:33Saas darteed ayaan waxan u ahay Safiir caalamiyeed ee 10x10,
-
5:33 - 5:36Olole caalami ah oo dumarka waxbaro.
-
5:36 - 5:38Saas darteed ayaa waxaan u sameenay SOLA,
-
5:38 - 5:41Iskuul xanaaneed kii ugu horeeyay
-
5:41 - 5:43oo gabdhaha ah ee ku yaalo Afgaanistan,
-
5:43 - 5:48wadan ay weli tahay in gabdhaha ay iskuul aadaan.
-
5:48 - 5:52Sheeyga farxada leh ayaa waxay tahay inaan arko arday dhigto iskuulkeyga
-
5:52 - 5:58kuwaaso leh hami ay ku qabsadaan Jaanis.
-
5:58 - 6:01Waxaan kaloo arkaa waalidiintooda
-
6:01 - 6:05kuwaaso ah kuwa sida waalidiinteyda u taageerayo,
-
6:05 - 6:14inkastoo ay jirto wejiyada cabsida badan ee kuwa kasoo horjeeda.
-
6:14 - 6:17Sida Ahmed. Ma ahin magaciisa rasmiga,
-
6:17 - 6:19mana idin tusi karo wejigiisa,
-
6:19 - 6:23Laakin Ahmed waa aabaha ardayad dhigata iskul kayga.
-
6:23 - 6:27Bil wax ka yar kahor ayaa asiga iyo gabadhiisa
-
6:27 - 6:30waxay u jeedeen xaafadooda ayagoo ka imaaday SOLA,
-
6:30 - 6:37waxayna ku sigteen ineey ku dhintaan
-
6:37 - 6:42bam loo dhigay geeska wadada daqiiqada gudahooda.
-
6:42 - 6:45Markuu guriga soo gaaray, ayaa waxaa usoo dhacay taleefanka,
-
6:45 - 6:48cod u digayo
-
6:48 - 6:51haduu dib gabadhiisa ugu diro iskuulka,
-
6:51 - 6:54ineey isku dayayaan qaraxa mar kale
-
6:54 - 6:58"Hada idila hadaad rabtaan," ayuu dhahay,
-
6:58 - 7:02"Laakin marnaba mustaqbalka gabadheyda kuma dheelayo
-
7:02 - 7:06waayo waxaad wadataan feker qaliban ."
-
7:06 - 7:09Arinta aan Afgaanistan ka ogaaday,
-
7:09 - 7:12misna ah mid ay wadamada Galbeed-ka ay ka tageen,
-
7:12 - 7:16aya waxay tahay mid walbo anaga naga mid oo gulesytay inuu ka dambeyo
-
7:16 - 7:23aabe og qiimaha gabadhiisa
-
7:23 - 7:28misna arka inay guusheeda tahay guushiisa.
-
7:28 - 7:31macnaha mahin inay hooyo-yinkeena aheen furaha guusheena.
-
7:31 - 7:36Xaqiiqdi, waxay yihiin bilawga wada xaajood qancin kara
-
7:36 - 7:39mustaqbal ifo oo ay gabdhahooda helaan,
-
7:39 - 7:43laakin xaalada shacab sida kuwa Afgaanistan,
-
7:43 - 7:46waxa qasban inaan helno taagerida raga.
-
7:46 - 7:50Sharciga Taliban, gabdhaha aaday Iskuulka
-
7:50 - 7:52kuwaaso gaarayo boqoleeyo--
-
7:52 - 7:54xasuuso, waxay aheyd sharci la'aan.
-
7:54 - 7:59Laakin maanta, gabdho ka badan 3 million ayaa dhigta iskuulada Afgaanistan.
-
7:59 - 8:07(Sacbis)
-
8:07 - 8:13Afghanistan waxay umuuqata mid ka duwan halkaan America.
-
8:13 - 8:18waxaan u arkaa in Amerikaanku arko burburka is badal.
-
8:18 - 8:21Waxaan ka baqanaayo in is badalkani usii socon waayo
-
8:21 - 8:25hore markii ciidamada U.S-ka laga soo bixiyo.
-
8:25 - 8:29Laakin markii aan kusoo laabto Afgaanistan,
-
8:29 - 8:34oo aan arday ku arko iskuulkayga
-
8:34 - 8:36iyo waalidiintooda ku taaageerayo,
-
8:36 - 8:41misna ku dhiira gelinayo, waxaan arkaa mustaqbal aad u ifo
-
8:41 - 8:44iyo isbadal weligiisa socdo.
-
8:44 - 8:53Ani ahaan, Afgaanistaan waa wadan rajo iyo suura-gal badan leh,
-
8:53 - 8:56misna maalin walbo
-
8:56 - 8:59gabdhaha SOLA ayaa midaas isoo xasuusiyo.
-
8:59 - 9:03Heer sare ayee ku riyoodaan sidayda oo kale.
-
9:03 - 9:04Mahadsanidiin.
-
9:04 - 9:15(Sacbis)
- Title:
- Car gabdhaha Afghanistiyiinta wax bar
- Speaker:
- Shabana basiji-rasikh
- Description:
-
Qiyaas wadan gabdhihiisu ay u dhuumanayaan iskuulka, hadii la qabtana iyagoo wax baranaya ay cawaaqib xumo la kulmayaan. Tani waxay ahayd Afghanistan oo ay ka talinayeen Taliban, misna maanta ay calaamadaha halistaas ay weli jirto. 22-jir Shabana Basij-Rasih waxay leedahay iskuul ku yaalo Afghanistan. Waxay u dabaal dageesa awooda go'aan ee qoys kuwaaso aaminay gabdhahooda-- misna waxay noo sheegeesa aabe geesi ah oo u istaagay hanjabaad kaga imaanaysay dadkiisa.
- Video Language:
- English
- Team:
closed TED
- Project:
- TEDTalks
- Duration:
- 09:36
![]() |
Ahmed Kadiye approved Somali subtitles for Dare to educate Afghan girls | |
![]() |
Abdiwahab Osman accepted Somali subtitles for Dare to educate Afghan girls | |
![]() |
Abdiwahab Osman edited Somali subtitles for Dare to educate Afghan girls | |
![]() |
Abdiwahab Osman edited Somali subtitles for Dare to educate Afghan girls | |
![]() |
Jamal Omar Osman edited Somali subtitles for Dare to educate Afghan girls |